Recent Articles

Xildhibaan reer UK ah oo ku baaqday in kaalmo degdeg ah la gaadhsiiyo dadka abaaruhu saameeyeen ee Somaliland

Rushnara Ali MP oo kamid ah baarlamanka UK ayaa shir jiraa'id oo ay wadajir ugula qabatay Safiirka Somaliland ee UK Ambassador Cali Adan Cawaale xafiiska xisbiga shaqaalaha ee Bethnal Green, xaafadda Tower Hamlets ku baaqday in macaawimo degdeg ah lala gaadho dadka ay saamaysay abaarta ku habsatay Somaliland.

 

 

Xildhibaanadda oo daliishanaysa qoraalllo kala duwan oo ka soo baxay Somaliland iyo ururro caalami ah ayaa sheegtay inay muhiim tahay in la caawiyo dadka abaarta ba'ani ku habsatey gobollada Sool, Togdheer, Sanaag, Saaxil iyo meelaha kale ee abaartu ka jirto Jamhuuriyada Somaliland.

 

Xildhibaan Rushnara Ali waxay ballan qaadday iney door weyn ka qaadan doonto xooggana saari doonto sidii ay u gaadhsiin lahayd baaq haya'daha kala duwan ee UK oo dhan, kana codsan doonto kaalmo degdega oo la gaadhsiiyo gobolladaa ay abaartu ku habsatay.  Waxay kale oo ay sheegtay in ay arrintan si gaara ugala hadli doonto wasiirka haya'dda mucaawimada caalmiga ah ee UK (DFID).

 

Waxa shirka isna ka soo qayb galay, Mayor ku xigeenka degmeda Tower Hamlets oo ballan qaaday inu ka hawl geli doono sidii degmeda Towerhamplets qayb libaax uga qaadan lahayd hawsha taakulaynta abaaraha ka jira Somaliland oo ay degaan dad aad u badan oo asal ahaan ka soo jeeda Somaliland.

 

Safiirka Somaliland ee UK Ambassador Cali Adan Cawaale oo halkaa ka sheegay baaqii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland u diray bulshada caalamka, ugu qaybiyey nuqullo baaqa ah ururradii shirka ka soo qayb galay ayaa ka codsaday deeq bixiyeyaasha iyo dadkii goobta ku sugnaa inay dhakhso ugu gurmedaan walaalahooda abaarta la dhibaataysan.

 

Waxa madasha ku sugnaa xubno reer Somaliland ah sida hablaha reer Towerhamplet oo ka warramay dedaalka ay ugu jiraan gergaarka walaalahood iyo dad door ah oo ka soo jeeda qoomiyadda Bengali-ga oo muujiyey sida ay ugu diyaar yihiin ka qayb qaadashada sabata bixinta dadka abaaruhu ku habsadeen.

 

Wakiilka Somaliland u fadhiya dalkan UK Ambassador Cali Adan Cawaale ayaa hadalka soo xidhay isagoo ku celceliyey gergaarka looga baahan yahay gobolladaa abaarta laxaadka lihi ku habsatay iyo xaaladda ay ku sugan yihiin una mahad celiyey madaxda iyo deeq bixiyaasha ka soo qayb galay shirka.

 

Allaa Mahad leh.

 

Somaliland UK Mission

 

Map

Our Address:

234 Whitechapel Road, London E1 1BJ.
Telephone number: 020 3441 2631.
Email: This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
 

Opening Hours:

Monday to Friday (10:00 - 16:00).
 

Disclaimer

 The information contained in this website is for general information purposes only. The information is provided by Somaliland Mission UK and while we endeavour to keep the information up to date and correct, we make no representations or warranties of any kind, express or implied, about the completeness, accuracy, reliability, suitability or availability with respect to the website or the information, products, services, or related graphics contained on the website for any purpose. Any reliance you place on such information is therefore strictly at your own risk....Read more

Quick Menu