Recent Articles

Dawladda Somaliland Oo Shaacisay xiliga La qeybinayo Darajooyinkii Ciidammada (2)

 

Hargeysa, Wasiirka Gaashaan-dhigga Somaliland Md. Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa shaaca ka qaaday in 15-ka December 2012 ay dalka  iman doonto darajadii ciidammada qalabka sida ee Somaliland oo dhan.

Wasiirka Gaashaan-dhiggu waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi maanta siiyay TV-ga qaranka.

“Darajadii Ciidammada kala duwan ee dalku way soo dhammaatay waxa la keenayaa  15-ka Bisha December ee foodda inagu soo haysa. Md. Axmed Xaaji Cali (Cadami) waxa uu intaasi ku ladhay

“Qeybinta Darajooyinka  ciidammadeennu waxay qaadan doontaa illaa 15-ka January 2013-ka. waana hawl muhiim ah oo qaran ahaan aynu qabsanay oo mudnaanteeda leh”.

Samaynta darajooyinka ciidammadda qalabka sidaa waxa uu ahaa mid ka mid ah balan-qaadyadii ugu cuslaa Madaxweyne Siilaanyo ku galay Ololihii doorashaddii madaxtooyada ee wadanka  ka qabsoontay 26-kii bishii June 2010-kii. Waxaanay tallaabadani kor u qaadaysaa Haybadda ciidammada iyo dhismahooda.

 

Alun Michael, a long time friend of Somaliland is the new south Wales police and crime commissioner

Alun Michael, a long time friend of Somaliland is the new south Wales police and crime commissioner

. 

 

Former Home Office minister Alun Michael has been elected the first police and crime commissioner for the south Wales force area  

 PCCs, as they will be known, will be responsible for setting priorities for their police force, overseeing its budget and hiring the chief constable 

Mr Michael's election was announced at a count in Port Talbot ahead of three other candidates. He was up against a Conservative candidate and two independents.

Mr Michael resigned as MP for Cardiff South and Penarth, after a career of 25 years in Westminster to run for the PCC election.

Mr Michael is a former Welsh secretary, ex-Home Office minister and was the Welsh assembly's first leader. He says his priority as commissioner will be to make sure that South Wales Police focuses its resources on making communities safe and free from crime and ensuring police are accountable to local people.

Mr Alun Michael is a long time friend of Somaliland and on behalf of the government and the people of Somaliland, I congratulate Mr. Michael on his new role and thank him for all his support to Somaliland during the years.

 

Ali Adan Awale

Head of the UK Somaliland Mission.

 

 

Reer Gabiley oo si diirran u soo dhoweeyey Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Silanyo

 

November 15th, 2012  Madaxweynaha ay Dhagax dhigay dhismaha Jidka Isku xidha Kalabaydh iyo Wajaalle

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa galabta si diirran loogu soo dhaweeyay magaaladda Gabiley, halkaasi oo kumanaan qof ay kaga horyimaadeen duleedka degmadda Kala-baydh ka dib markii uu madaxweynuhu galabta ka soo laabtay socdaal laba maalmood qaatay oo uu ku tagay magaaladda Boorame.

Weftiga madaxweynaha waxa halkaasi ku qaabilay Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Md. Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timocad), Badhasaabka Gobolka Gabiley, Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada iyo kumanaan qof oo ka mid ah dadweynaha ku dhaqan magaalada Gabiley.

Madaxweynuhu waxa uu galabta dhagax-dhigay dhismaha waddo laami ah oo 18km ah oo isku xidhaysa degmooyinka Kala-baydh iyo Wajaale ee gobolka Gabiley.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka hadlay halkaasi ayaa dadweynaha reer Gabiley uga mahad celiyay sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen, waxaanu tilmaamay in xukuumadiisu wixii awoodeeda ah aanay waxba kala hadhi doonin horumarinta adeegyada bulshada ee gobolka Gabiley.

Dadweynuhu waxay ku dhawaaqayeen hal ku dhigyo ay ka mid ahaayeen “Soo dhawoow Madaxweyne, Guulayso Madaxweyne iyo ereyo kale oo macno ahaan kuwaasi la mid ah.

 


Madaxweynaha iyo weftigii uu Hoggaaminayay waxay qadar socod ku dhex mareen jidka badhtamaha Magaalada waxaanu u gacan haadinayay oo uu salaamayay dadweynihii Gabilay ugu soo dhaweeyay sida xamaasadda leh.

 

Madaxweynuhu waxa uu galabtaba u soo dhaafay Gabilay dhinaca caasimadda Hargeysa oo uu galabta soo gaadhay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo sheegay in Kenya Xafiis ka furanayso Somaliland

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo sheegay in Kenya Xafiis ka furanayso caasimadda Somaliland

airobi, Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Dr Maxamed C/laahi Cumar ayaa ka warramay wakhtiga la filayo in ay dawladda Kenya caasimadda Somaliland ee Hargeysa ka furato xafiis dublamaasiyadeed.

Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in bisha soo socota ee December ay iman doonaan Hargeysa masuuliyiin dalkaasi ka socota, iyaga oo hordhaca u noqon doona furashada ay dawladda Kenya ka furanayso magaalada Hargeysa Xafiis dublamaasiyadeed.

Wasiirka Arrimaha dibadda oo ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta Kenya oo xalay u waramayay wargeyska Haatuf, ayaa waxa uu sidoo kale ka warbixiyey kulamo ay dublamaasiyiin shisheeye kula yeesheen dalka Kenya, waxaanu sheegay in kulamadaasi ay ahaayeen mid ay wadamada kala duwan dublamaasiyiinta ka socota kaga arinsanayeen xidhiidh ay Somaliland la samayso wadamadaasi.

Wasiirka Arrimaha dibada oo ka waramaya kulamo ay dublamaasiyiin kala duwan kula yeesheen Kenya waxa uu yidhi “Kulamada aanu Kenya kula yeelanay madaxda kala duwan waxa ay ahaayeen arrimo xaga nabadgelyada iyo siyaasada ah, waxaananu kulamadaasi la yeelanay madaxda EU-da, dublamaasiyiin shisheeye oo fadhigoodu yahay Nairobi, kuwaasi ay ka mid yihiin safiirka Mareykanka u fadhiya Nairobi, waxa kale oo aanu kulamo la yeelanay masuuliyiin ka socda wadamada Sweden, UK, Swizerland iyo Denmark oo aanu dhamaantood kala hadalnay arrimo khuseeye labada dhinac gaar ahaan amniga, anaga oo sidoo kale kulan la yeelanay masuuliyiin ka socda wasaaradda arrimaha dibada Kenya.”

Wasiirka oo ka hadlaya wakhtiga ay dawladda Kenya ka furanayso Xafiis dublamaasiyadeed magaalada Hargeysa waxa uu yidhi “Bisha soo socota ee Decembar dalka waxa iman doona masuuliyiin ka socda dalka Kenya kuwaasi oo qaadi doona talaabadii u horeysay ee furashada xafiiska, laakiin siyaasad ahaan iyo go’aan ahaanba waxa la qaatay in xafiiskii Somaliland ee halkan (Nairobi) kor loo qaado”.

Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Maxamed C/laahi Cumar ayaa isaga iyo Wasiiro kale oo ka tirsan Xukuumadda Somaliland waxa ay ku sugan yihiin Nairobi, iyaga oo ka qayb galaya shirar la xidhiidha dhinaca amaanka mandaqada Geeska Afrika.

Madaxweynaha Somaliland oo kor-meer ku soo maray xarumo ku yaala Burco, mashaariicna xadhiga laga jaray

 

 

Hargeysa, Madaxweynaha Somaliland. Axmed Maxamed maxamuud (Siilaanyo), oo ku guda jira socdaal shaqo ku marayo gobolada Saaxil Tog-dheer, ayaa maanta xadhiga ka jarey mashaariic laga hirgaliyey magaalada Burco xarunta gobolka Togdheer, waxaaanu sidoo kale Madaxweyne Axmed Siilaanyo, kormeer ku soo marey mashaariic horumarineed oo hir-galintoodu ka socota magaalada Burco.

Read more: Madaxweynaha Somaliland oo kor-meer ku soo maray xarumo ku yaala Burco, mashaariicna xadhiga laga...

Subcategories

Map

Our Address:

234-236 Whitechapel Road, London E1 1BJ.
Telephone number: 020 3441 2631.
Email: This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
 

Opening Hours:

Monday to Friday (10:00 - 16:00).
 

Disclaimer

 The information contained in this website is for general information purposes only. The information is provided by Somaliland Mission UK and while we endeavour to keep the information up to date and correct, we make no representations or warranties of any kind, express or implied, about the completeness, accuracy, reliability, suitability or availability with respect to the website or the information, products, services, or related graphics contained on the website for any purpose. Any reliance you place on such information is therefore strictly at your own risk....Read more

Quick Menu