Recent Articles

Soo dhoweyn masuuliin ku soo biiray Safaaradda Somaliland ee UK

Ref: SLM/29216-sh

 

Bismillaahi Raxmaani Raxiim,

                                                                                                29/02/2016

Uj:  Soo dhoweyn masuuliin ku soo biiray Safaaradda Somaliland ee UK

Salaan kadib,

Waxanu qoraalkan kooban bulshada Somaliland (gaar ahaan reer UK) kula socodsiinayaa, isla markaana si diirranna ugu soo dhoweyneynaa mudane Maxmed Warsame Boos oo ka mid noqday saraakiisha safaaradda Somaliland ee UK isaga oo noqon doona madaxa Waaxda Siyaasadda iyo ganacsiga/Maal-gashiga (political and trade/investment counsellor)

Waxa kale oo aanu si diirran u soo dhoweyneynaa marwo Yurub Qaalib Faarax oo nagala shaqayn doonta xidhiidhka Jaalliyadda Somaliland ee UK.

Waxan hubaa inay labadan masuul waxtar badan ku soo kordhin doonaan dedaalka safaaradda iyo Jaalliyaddu ugu jiraan kobcinta danaha Qaranka Somaliland iyo xidhiidhka innaga dhexeeya UK.

 

Waxanu sidii caadada ahayd mar walba mudnaanta siin doonnaa Ictiraaf raadinta, kobcinta iskaashiga adeegyada bulshada iyo maal gashiga. 

 

Waxanu haddaba bulshada reer Somaliland mar kale ka codsanaynaa inay hagar la'aan ula shaqeeyaan masuuliintan iyo kuwa kale ee ku hawlan danaha qarankeenna qaaliga ah. 

 

Allaa Mahad leh,

 

 

Ali A Awale

Wakiilka Somaliland ee UK.

 

 

 

Map

Our Address:

234-236 Whitechapel Road, London E1 1BJ.
Telephone number: 020 3441 2631.
Email: This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
 

Opening Hours:

Monday to Friday (10:00 - 16:00).
 

Disclaimer

 The information contained in this website is for general information purposes only. The information is provided by Somaliland Mission UK and while we endeavour to keep the information up to date and correct, we make no representations or warranties of any kind, express or implied, about the completeness, accuracy, reliability, suitability or availability with respect to the website or the information, products, services, or related graphics contained on the website for any purpose. Any reliance you place on such information is therefore strictly at your own risk....Read more

Quick Menu