Recent Articles

Guddida Africa Cup of Nations UK oo booqday Safaaradda Somaliland

Guddida African Nations Cup UK oo booqday Safaaradda Somaliland ee UK

Guddida qabaqaabineysa koobka kubbadda cagta Africa ee UK ayaa booqasho sharafeed ugu yimid Safiirka Somaliland ee UK mudane Cali Adan Cawale. Guddida oo sidda Cup-ka ayaa Xafiiska safaaradda soo booqday shalay khamiistii, halkaas oo ay si dirran ugu soo dhoweeyeen shaqaalaha Safaaradda iyo Safiirku.

Guddida oo uu horkacay agaasime Daniel Lutaaya ayaa safiirka u keenay casuumad ay kaga dalbadeen inuu goob joog ka ahaado munaasabadda furitaanka Cayaaraha African Cup of Nations maalinta sabtida ee bisha May tahay 30keeda.

Mudane Lataaya ayaa safiirka uga warramay sida ay ugu faraxsan yihiin ka qayb galka Somaliland ay

sannadkan ka mid noqotay kooxaha Africa ee sannadkan u tartamaya koobka.

Safiirka Somaliland mudane Cali Adan Cawale ayaa dhiniciisa uga mahad celiyey mareeyahaha iyo guddida hagaysa cayaaraha sannadkan ee African Nations Cup booqashada ay ku soo sharfeen iyo soo dhoweynta diiran ee ay ku qaabbileen ka qayb galka Somaliland. Safiirka ayaa aqbalay casuumadda kana ballan qaaday inu taageero buuxda siin doono guddida Africa Cup of Nations isla markaana u rejeeyey guul guud ahaan cayaaraha sannadkan, gaar ahaanna kooxda xulka Somaliland ee ka qayb geli doonta cayaaraha.

Cayaaraha Africa Nations Cup ayaa ka furmaya West Ham memorial Ground 30 May 2015 10 subaxnimo haddii ALLA idmo. Faahfaahin dheeraad ah ka eeg hoos;

http://africannationscupuk.com/Fixtures/tabid/93/Default.aspx

Fadlan ka soo qayb gal oo taageer xulka Somaliland.

 

ALLAA mahad leh.

 

Map

Our Address:

234 Whitechapel Road, London E1 1BJ.
Telephone number: 020 3441 2631.
Email: This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
 

Opening Hours:

Monday to Friday (10:00 - 16:00).
 

Disclaimer

 The information contained in this website is for general information purposes only. The information is provided by Somaliland Mission UK and while we endeavour to keep the information up to date and correct, we make no representations or warranties of any kind, express or implied, about the completeness, accuracy, reliability, suitability or availability with respect to the website or the information, products, services, or related graphics contained on the website for any purpose. Any reliance you place on such information is therefore strictly at your own risk....Read more

Quick Menu