Recent Articles

Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis ayaa ka warramay xidhiidhka Somaliland iyo dalalka jaarka

Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay in xidhiidhka Somaliland iyo waddamada Jaarka ah sida jabuuti, Kenya iyo Itoobiya uu yahay mid xoogan.Wasiirka Arimahad Dibadda ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee inta badan loo xidho xadka u dhexeeya Somaliland iyo waddamada jaarka ay inta badan la xidhiidho sababo amaan darteed. Somaliland iyo Jabuuti ay isla og yihiin xadka la xidhay.

Wasiirka ayaa sheegay in hore ay Jabuuti u booqdeen Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland iyo Taliyaha Laanta amaanka Socdaalka, sidoo kalena ay hadda ku maqan yihiin dalak Jabuuti. Wasiirka ayaa sheegay in xidhitaanka Xadka ay dani ugu jirto amaanka labadda dal.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in wefti ka kooban 24 xubnood oo iskugu jiray wasiiro, masuuliyiinta dakadda Berbera, ganacsiga iyo amaanka ay ka qayb-galeen shir ka dhacaayey magaalada Diridhaba ee dalka Itoobiya kuwaasi oo shir la yeeshay masuuliyiinta dhigooda ah ee dalka Itoobiya, xubnahaasi ayaa sidoo kale u sii gogol xaadhay shir heer wasiir ah oo ay ku yeelan doonaana dalka Itoobiya oo dhawaan dhicin doona.

 

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in madaxweynaha Somaliland iyo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya isla qaateen in ay soo magacaabaan guddi isku dubaridda amaanka, ganacsiga iyo iskaashiga labada dal u dhexeeye. Wasiirka Maxamed Biixi ayaa sheegay in madaxweynaha Somaliland uu magacaabay guddi heer wasiir ah oo kala ah wasiirka Arimaha guddaha, Arimahada Dibadda, Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo Wasiirka Ganacisga kuwaasi oo kulan la yeelan doona dhigooda dalka Itoobiya.

 

Wasiirka Arimaha Dibadda Muddane Maxamed Biixi Yoonis ayaa sidoo kale ka hadlay xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Kenya. Wasiir ayaa sheegay in ay Somaliland ka furteen safaarad, dhismihiina ay kiraysanayaa. Wasiirka ayaa sheegay in Kenya ay si rasmi ah ugu ogolaatay Somaliland in ay Safaarad ka furtaan magalada Nairobi.

Map

Our Address:

234 Whitechapel Road, London E1 1BJ.
Telephone number: 020 3441 2631.
Email: This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
 

Opening Hours:

Monday to Friday (10:00 - 16:00).
 

Disclaimer

 The information contained in this website is for general information purposes only. The information is provided by Somaliland Mission UK and while we endeavour to keep the information up to date and correct, we make no representations or warranties of any kind, express or implied, about the completeness, accuracy, reliability, suitability or availability with respect to the website or the information, products, services, or related graphics contained on the website for any purpose. Any reliance you place on such information is therefore strictly at your own risk....Read more

Quick Menu