News
  • Register

Madaxweynaha Somaliland iyo wefti uu hoggaaminayo oo Addis Ababa kula kulmay Raysal wasaaraha Ethiopia

 

Addis-ababa, Raysal wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn, ayaa galabta xafiiskiisa ku qaabbilay Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silanyo) oo maanta soo gaadhay magaalada Addis-ababa ee dalka itoobiya ka dib markii ay maalmihii la soo dhaafay ku sugnaayeen dalka Britain.

Kulankan oo socday muddo saacad iyo badh ah ayaa labada Hoggaamiye ku faaqideen sidii loo sii adkayn lahaa isla markaana kor loogu qaadi lahaa iskaashiga labada dal ee Itoobiya iyo Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silanyo) oo kulankaasi ka dib xarunta looga taliyo Itoobiya shir jaraa’id ku qabtay ayaa sheegay in ay Raysal wasaare Hailemariam Desalegn ka wada hadleen qodobbo la xidhiidha sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka wanaagsan ee ka dhaxeeya labada dal, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Somaliland iyo Itoobiya waxa ka dhexeeya xidhiidh iskaashi oo aad u wanaagsan, kaasi oo aanu rajaynayno inuu ka sii socdo halkaasi, ma aha markii u horeysay ee aan la kulmo Raysal wasaaraha Itoobiya, aad iyo aad ayaan ugu faraxsan nahay inaan maanta la kulmo waxaana aanu ka wada hadalnay sidii loo sii xoojin lahaa cilaaqaadka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal.”
Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu uga mahad celiyay Raysal wasaaraha Itoobiya sida diiran ee uu ugu soo dhaweeyay xafiiskiisa.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha dibada Itoobiya u qaabilsan Arrimaha Afrika oo isaguna ka hadlay shirkaasi jaraa’id ayaa sheegay in kulankan ay yeesheen labada Hoggaamiye ee Itoobiya iyo Somaliland mudadii uu socday lagaga wada hadlay sidii loo sii adkayn lahaa xidhiidhka iyo wada shaqaynta labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya, kuwaasi oo iskaashi ka leh dhinacyada nabad-gelyadda, isku socodka iyo Ganacsiga.

Map

Our Address:

234 Whitechapel Road, London E1 1BJ.
Telephone number: 020 3441 2631.
Email: This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
 

Opening Hours:

Monday to Friday (10:00 - 16:00).
 

Disclaimer

 The information contained in this website is for general information purposes only. The information is provided by Somaliland Mission UK and while we endeavour to keep the information up to date and correct, we make no representations or warranties of any kind, express or implied, about the completeness, accuracy, reliability, suitability or availability with respect to the website or the information, products, services, or related graphics contained on the website for any purpose. Any reliance you place on such information is therefore strictly at your own risk....Read more

Quick Menu