News
  • Register

Warsaxaafadeed Guddiga Qabanqaabada 18 May ee UK

 

Xuska 18 May ee 22 guurada madax-bannaanida Somaliland

Guddiga Qabanqaabada xuska 18 May ee 22 guurada la soo noqoshada madaxbannaanida Somaliland waxay soo abaabushay munaasabad ballaadhan oo loogu dabbaal dagayo munaasabaddan qaaliga ah. Munaasabaddan waxa lagu qabanayaa garoonka Kubbadda cagta ee Barnet football club. Waxaana munaasabadda ka soo qayb geli doona wafti culus oo uu hoggaaminayo Madaxwayne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)
Dadweynaha reer Somaliland ee UK iyo Yurub waxaanu ku guubaabinaynaa in ay munaasabaddan taariikhiga ah ka soo qayb galaan kuna muujiyaan qarannimadooda iyo wadajirkooda. Munaasabaddu waa mid carruur iyo cirroolaba loogu talagalay soconna doonta galin hore iyo galin danbe.


Goobta xaflada: Barnet Football Club, Underhill Stadium,
Barnet Lane, Barnet, EN5 2DN
Wakhtiga 1pm – 9pm 
Taariikhda Saturday 18 May 2013 
Gaadiidka ugu dhaw Barnet Tube Station ( Northern line) 5 daqiiqo oo socod ah ayuu garoonka u jira

Qiimaha galitaanka xafladda £10 qofka weyn - £1 carruurta 
Wixii kharash ah ee ka soo baxa munaasabadda waxa loogu deeqayaa mashaariic lagu caawin doono caruurta agoonta ah ee Somaliland. 
Barnaamijka munaasabaddu wuxuu isugu jiri doonaa ciyaarta kama dambasyta ah ee kubbadda cagta oo dhex mari doonta laba kooxood oo reer Somaliland ah oo kuwada ciyaari doona stadium-ka kooxda badisana koob la guddoonsiin doono, madaddaalo carruurta loogu talagalay, khudbado ay soo jeedin doonaan waftiga Madaxwayne ku xigeenka iyo marti sharaf kale, gabayo , heeso waddaniya iyo ciyaaro hidde iyo dhaqan ah. 
Waxa iyana munaasabadda innagala soo qayb gelli doona qaar ka mid ah saaxiibada Somaliland ee Baarlamanka Britain iyo marti sharaf kale.
Wixii faahfaahin ah ee Ku saabsan munaasaadda fadlan kala soo xidhiidh tilifoonnada hooos ku qoran ee Guddiga qabanqaabada: 

07588570023, 07412157863, 07852740664, 07506150800, 
07957504122, 07506339736, 07951016681

Waxaan rajaynayenaa in ummadda reer Somaliland ee UK iyo dhammaan Yurub-ba munsaabaddan qiimaha wayn leh soo camiraan si fiicanna uga soo qaybgalaan. 

Waad mahadsantihiin 
Guddiga qabanqaabada 18 May ee UK

 

 

 

Map

Our Address:

234 Whitechapel Road, London E1 1BJ.
Telephone number: 020 3441 2631.
Email: This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
 

Opening Hours:

Monday to Friday (10:00 - 16:00).
 

Disclaimer

 The information contained in this website is for general information purposes only. The information is provided by Somaliland Mission UK and while we endeavour to keep the information up to date and correct, we make no representations or warranties of any kind, express or implied, about the completeness, accuracy, reliability, suitability or availability with respect to the website or the information, products, services, or related graphics contained on the website for any purpose. Any reliance you place on such information is therefore strictly at your own risk....Read more

Quick Menu